Guddoomiyaha Dhuusamareeb oo ka qayb galay xiritaanka tababar loo qabtay macallimiinta Qur’aanka ee Caasimada.

0
85

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Abdirahman Ali Mohamed Geedqorow, Guddoomiyaha Degmada iyo Duqa Caasimadda Muqdisho, ayaa xalay ka qeybgalay kulan cilmiyeed ku saabsan Qur’aanka iyo culuumtiisa, oo ay soo qabanqaabiyeen culumo ka socotay Jaamacatu Qur’aan.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda barashada Qur’aanka iyo fahamka culuumtiisa, waxaana la xoojiyay doorka uu leeyahay Qur’aanku nolosha bulshada Muslimiinta ah. Guddoomiyaha ayaa ku dhiirrigeliyay bulshada in ay bartaan Qur’aanka, isagoo bogaadiyay dadaalka culumada.
Culumadii ka qeyb gashay waxay sharaxeen mowduucyo la xiriira tafsiirka, tajwiidka, iyo hifdiga Qur’aanka.

waxaa soo jeedinaya:Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here