Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Abdikariin Ahmed Xasan ayaa kormeer ku tegay qaar ka mid ah xarumaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee magaalada Dhuusamareeb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.
Kormeerka ayaa ujeedkiisu ahaa qiimeynta habsami-u-socodka howlaha diiwaangelinta, hubinta tayada adeegyada la siiyo dadweynaha, iyo dhiirrigelinta shaqaalaha ka howlgalaya goobahaas. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale la kulmay mas’uuliyiinta xarumaha, isagoo warbixin ka dhageystay hawsha socota iyo caqabadaha ay wajahaan.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sacdio Abdulkadir Yusuf.