Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Daahfuray dib-u-howlgelinta Adeegyadii hore ee Dad-Dhigidda Dowladda Hoose ee Xamar, taasi oo muddo 34-sano ah aan loo qaban shacabka.
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalla Soomaaliya, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal iyo Bahda Caafimaadka.
Warkan waxaa soo jeedineysa:Hamdi Diriye Ali