Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kula afuray qaar ka mid ah dadka naafada ah iyo muhaajiriinta siiriyaanka ah ee kunool Magaalada Muqdisho
Munaasabadaan Afur Wadareedka ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xildhibaan Cabdikariin Cabdow Xeydar, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Xoghayaha Guud ee Maamulka G/Banaadir Mudane Feysal Caraale Afrax, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Agaasimeyaal.
Abdifitah Mohamed Ahmed ayaa faah faahinaya.