Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo soo xiray tartanka Kubbada Koleyga ee degmooyinka gobolkaas

0
17

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa si rasmi ah u soo xiray tartanka kubbadda koleyga ee degmooyinka magaalada Muqdisho.

Tartankan oo socday muddo todobaadyo ah ayaa lagu qabtay garoonka Wiish, waxaana ka qeyb galay dhammaan 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, iyadoo koox walba ay dadaal xooggan gelisay sidii ay horyaalka u hanan lahayd.

Guddoomiye Muungaab ayaa tilmaamay in ciyaaraha noocan oo kale ah ay fursad u yihiin kor u qaadista nabadda, isdhexgalka bulshada, iyo horumarinta xirfadaha dhalinyarada Soomaaliyeed.

Abdulahi Abdulkadir Nor ayaa warkan soo jeedinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here