Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA Maxamud Macallin Cabdulle oo ay qayn ka yimiid masuuliyiin ka socda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa safar shaqo waxaa ay ku tageen magaalada Beledwayn ee xarunta gobolka Hiiraan.
Safarkaan waxaa ay ugu kuur galayeen xaaladaha Bini’aadannimo ee Beledwayn iyo saamaynta roobabka ka da’ay ay ku yeesheen barakacayaasha degmada.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdidahir Garad Ali