Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Gudiga gurmadka abaaraha ee degmada Cadaado ayaa m deeq raashin ah gaarsiiyey 40 qoys oo ku nool deegaanka Xananbuure.
Deeqdan ayaa ka mid ah dadaallada lagu caawinayo bulshada ay abaaruhu saameeyeen, iyadoo la gaarsiiyey cuntooyinka aasaasiga ah sida bariis, bur, saliid, iyo waxyaabo kale oo muhiim u ah nolosha. Mas’uuliyiinta gudigu waxay sheegeen in ay sii wadi doonaan gurmadka iyo taageerada loo fidinayo dadka danyarta ah ee ay abaartu taabatay
Abdifatah Mohamed Ahmed ayaa soo jeedinaya.