Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa kulamo latashi la yeeshay culimada Soomaaliyeed si ay uga qeyb qaataan dadaalka lagu wado hannaanka doorashooyinka dalka. Kulankaas, oo ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaa lagu gorfeeyey sida ay culimadu uga qeyb qaadan karaan in doorashooyinka loo qabto si nabad ah oo caddaalad ah.
Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Cabdikarin Axmed Xasan, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dhammaan qaybaha bulshada, oo ay culimadu ka mid yihiin, ay si buuxda uga qeyb qaataan sidii doorashooyinka dalka ay u dhici lahaayeen si waafaqsan shuruucda iyo qiyamka bulshada Soomaaliyeed.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdifitah Mohamed Ahmed