Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Kalfadhiga 1-aad ee golaha deegaanka degmada Cadaado oo maanta furmay ayaa looga hadlay horumarinta degmada iyo arrimaha samafalka.Kalfadhiga oo ay ka wada qayb galeen Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame, Guddoomiye ku xigeenka degmada Cabdixakiin Maxamed Cali iyo xubnaha kale ee golaha ayaa looga hadlay qorshe hawleedka horumarineed ee degmada Cadaado, meel marinta xeerhoosaadka golaha iyo gurmadka dadka colaadaha iyo abaartu saamaysay ee ku soo barakacay degmada.
Warbixintan waxaa soo jeedinay-Cabdullahi Cabdulqadir Nuur