Gudoomiyaha degmada Guriceel oo xariga ka jaray Xarun Caafimaad oo laga hirgeliyey degaanka Diiriye Xasan.

0
43

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha degmada Guriceel mudane Farah Abdi Mo’allim oo ay wehliyaan gudoomiye kuxigeenka Degmada,iskuduwaha caafimaadka Degmada ee wasaarada caafimaadka Galmudug ayaa xariga kajaray xarun MCH oo laga dhisay deegaanka Diiriye-Xasan ay dhismaheeda iska kaashadeen maamulka Degmada Guriceel,dadka deegaanka iyo Dallada Baraarug oo kaashaqaysa waxbarashada iyo caafimaadka.
Sidoo kale wasaarada caafimaadka Galmudug iyo hay’adda WHO ayaa qalab caafimaad iyo daawo kutaageeray xaruntan caafimaad een laga hirgaliyay deegaanka Diiriye-Xasan.
Gudoomiyaha degmada Guriceel mudane Faarah Abdi Mo’allim oo munaasabada xarig jarka kahadlay ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay xoogga saari doonaan sidii xaruntan caafimaad ugu adeegi lahay bulshada deegaanka iyaguna ay u ilaasha lahaayeen.

Waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulqadir Nur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here