Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Cilmi Cali Cabdi gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug oo lahadlay Radio Daar-dheer ayaa kubaaqay in lajooiyo isku dhacyada kasoo cusboonaaday qaybo kamida gobolka Galgaduud una dhexeeya dadka wada daga qaybta waqooyi gobolka si loo ilaaaliyo nabadgalyada iyo xasiloonida deegaanka.
Gudoomiye Cilmi ayaa sheegay in kamaamul ahaan ay deegaankaa kubixi doonaan,ciidamada dowlad goboleedka Galmudugna ay gaareen deegaankaas si aanay wax danbe uga dhicin halkaa oo dad kudhinteen,waxowna waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ugu baaqay in kaalintooda qaataan kalana shaqeeyaan si nabad loogu wada noolaa lahaa,colaadana loo soo afjari lahaa.
Deegaanada Miirjiiclay iyo Xananbuuro inta udhaxaysa ayaa dagan maanta iyadoo ciidamaduna ay dhicyada halkaa iskaga soo horjeeda ay kudhexjiraan si loo adkeeyo nabada halkaa kajirta.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya-Bashir Mohamed Salad