Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir oo ka hadlay sababta ay dib ugu dhacaan fulinta xukunada ay ridaan

0
60

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Mudane Saalax Cali Maxamuud, ayaa sheegay in sababta dib u dhaca ku yimaada xukunnada maxkamaduhu ay salka ku hayso ilaalinta xuquuqda dadka ku lugta leh dacwadda – gaar ahaan eedeysanaha iyo dhibbanaha.

Guddoomiyaha ayaa caddeeyay in ay sharci ahaan aan suurtagal ahayn in xukun lagu fulo qof aan weli qaadan fursaddiisa racfaan. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in hay’adaha garsoorku ay mas’uul ka yihiin xaqiijinta in geeddi-socodka cadaaladda uu u dhaco si waafaqsan sharciga, iyada oo aan lagu degdegin go’aammo saameyn ku yeelan kara nolosha dadka.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here