Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug Garyaqaan Daa,uud Cali ayaa kormeer shaqo ku tegay Xabsiga Dhexe ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug.
Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayo xaaladda guud ee maxaabiista, hannaanka garsoorka ee xabsiga, iyo sida ay u socdaan adeegyada asluubta iyo ilaalinta xuquuqda maxaabiista. Guddoomiyaha ayaa kulamo la yeeshay Taliyaha Xabsiga, saraakiisha ciidanka asluubta, iyo mas’uuliyiinta maamulka xabsiga, iyaga oo warbixin ka siiyay xaaladda xabsiga iyo caqabadaha ay la tacaalayaan.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sacdio Abdulkadir