Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Manchester United ayaa guul qaali ah oo lama filaan ah ka gaartay kooxda martida loo ahaa ee Liverpool, kadib markii ay 2-1 kaga adkaadeen ciyaar ka dhacday garoonka Anfield, taasoo qayb ka ahayd wareegga siddeedaad ee horyaalka Premier League.
Guushan ayaa jebisay silsilad natiijooyin xun oo Manchester United ka heysatay garoonka Liverpool, maadaama guushoodii ugu dambeysay ee Anfield ay ahayd sanadkii 2016.
Ciyaarta ayaa si xooggan ku bilaabatay dhanka Manchester United, iyadoo Scott McTominay uu daqiiqaddii 2aad dhaliyay goolka furitaanka, kadib kubbad uu si fiican uga faa’iideystay gudaha xerada ganaaxa, taasoo farxad weyn u ahayd taageerayaasha kooxda martida ahayd.
Liverpool ayaa si degdeg ah u bilowday inay ka jawaabto goolkaas, waxaana ay la wareegeen hoggaanka ciyaarta, iyagoo weerar is-daba joog ah kusoo qaaday goolka United. Ugu dambeyn, ciyaaryahanka reer Holland Cody Gakpo ayaa keenay goolka barbaraha daqiiqaddii 78aad, isagoo dhameystiray kubbad uu helay gudaha xerada ganaaxa.
Inkasta oo Liverpool ay cadaadis xooggan saartay kadib goolka barbaraha oo ay si weyn ugu dhowayeen inay helaan goolka guusha, haddana daafaca Harry Maguire ayaa daqiiqaddii 84aad dhaliyay goolka labaad ee Manchester United, isagoo madax cajiib ah ka dhaliyay karoos qurux badan oo uu soo dhiibay Bruno Fernandes. Goolkaas ayaa noqday midka guusha u horseeday United.
Guushan awgeed, Manchester United waxay kor ugu sii qaaday dhibcaha ay ku leedahay horyaalka ilaa 13 dhibcood, iyagoo haatan ku jira kaalinta sagaalaad.
Dhanka kale, Liverpool ayaa ku hartay 15 dhibcood iyadoo ku jirta kaalinta afraad, waxaana guuldarradan noqotay tii afarad oo xiriir ah ee ay la kulanto dhammaan tartamada.


