Haaland oo Sii Wada Wacdarihii uu Ka Dhigayayo Premier League.

0
82

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Xiddiga kooxda Man City ee Haaland ayaa sii wada wacdarihii uu dhigayay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Haaland ayaa guul ku hogaamiyay kooxdiisa Man City kulan ay garaaceen kooxda Leicester City kulan ka dhacay Etihad.

Eriling Haaland ayaa dhaliyay 2 gool kulankii ay kooxdiisu garaacday kooxda Leicester City kulan ka dhacay Etihad Staduim

  Goolasha uu Haaland dhaliyay ayaa noqday 32 gool kadi markii uu ciyaaray 30 kulan oo horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Erling Haaland ayaa barbareeyay rikoorka gooldhalinta Premier League 38-kulan (32), kaliya Andrew Cole 1993-94 (34) iyo Alan Shearer 1994-95 (34) ayaa dhaliyay goolal badan xilli ciyaareed kasta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here