Harry Kane Oo Manchester United U Imanaya Hal Arrin Aawgeed

0
44

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wararka ku saabsan mustaqbalka Harry Kane, oo qandaraaskiisu Bayern Munich uu dhacayo xagaaga 2027, ayaa mar kale soo baxay. Warbixin cusub ayaa sheegaysa in weeraryahanka 32-jirka ah uu doonayo inuu ku laabto England dhowaan.

Sida uu sheegay khabiirka suuqa kala iibsiga Ben Jacobs ee GiveMeSport, Kane wuxuu qorsheynayaa inuu labo xilli ciyaareed oo kale ka ciyaaro Premier League si uu u jebiyo rikoodhka goolasha ee Alan Shearer.

Shearer ayaa haysta rikoodhka goolasha ugu badan taariikhda Premier League (260 gool), halka Kane uu hadda leeyahay 213 gool. Taasi waxay ka dhigan tahay in Kane uu beegsanayo inuu ku laabto England xagaaga 2026 ama 2027.

Warbaahinta Jarmalka ee Bild ayaa iyaduna sheegtay in qandaraaska Kane ee Bayern uu ku jiro shuruud fasax ah oo ah €65 milyan, taas oo u oggolaanaysa inuu baxo xagaaga 2026. Shuruuddaas ayaa shaqaynaysa ilaa 31-ka Janaayo 2026.

Ben Jacobs ayaa sidoo kale tilmaamay in Manchester United ay noqon karto meel macquul ah oo uu Kane tago:

“Waxaan qiyaasi karaa in uu Manchester United u dhaqaaqayo. Kane uma imaan doono oo kaliya inuu dhaliyo goolal, balse sidoo kale inuu noqdo hoggaamiye iyo tusaale ciyaartoyda kale.”

Si kastaba ha ahaatee, Kane dhawaan ayuu u sheegay The Guardian inuu isku arko inuu sii joogo Bayern, inkasta oo uusan gabi ahaanba diidin fikradda ah inuu mar kale ku laabto horyaalka Premier League.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here