Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Difaaca reer England ee Harry Maguire ayaa farriin culus u diray kooxdiisa Manhcester United iyo tababare Erik ten Hag oo ku illoobay kursiga kaydka, isla markaana ka doorbiday ciyaartooyo kale isaga oo xagaagiina ku riixay in uu ka tago kooxda.
Harry Maguire ayaa dhamaystay 90 daqiiqadood ciyaartii Sabtidii ee Brentford ay waqtiga dambe guusha 2-1 ah ka gaadheen ee uu Scott McTominay noqday laacibka guusha go’aamiyey.
30 jirkan ayaa loo doortay inuu buuxiyo booskii uu ka dhaawacmay Raphael Varane, waxaana sidoo kale looga yeedhay xulka qaranka England oo uu si joogto ah ugu ciyaarayay, xataa isaga oo boos la’aan ka ah Man United.
Harry Maguire oo kaliya 18 ciyaarood kusoo bilowday intii uu Ten Hag tababaraha ka ahaa Manchester United, isla markaana ay 14 kulan badiyeen muddadaas, ayaa waxa uu farriin culus u diray tababaraha reer Netherlands, waxaanu yidhi: “Anigu ma doonayo in aan halkan fadhiyo noloshayda oo dhan oo aan bishii hal mar ciyaaro.
“Haddii ay sii socoto, waxa aan xaqiijin doonaa naftayda, waxaanan la fadhiisan doonaa kooxda oo aan kala hadli doonaa arrimahan, balse hadda waxa aan diiradda saarayaa labada ciyaarood ee xulka England.
“Kaddib waxa uu yoolkaygu noqon doonaa in aan u dagaallamo oo aan isku dayo in aan dib u helo booskayga Manchester United, iyo in aan isku dayo in aan ka caawiyo in kooxdaydu ay sare usoo dallacdo oo ay timaaddo heerkeedii horyaalka. Waxa aan ku kalsoonahay awooddayda iyo waxa aan soo kabtay intii aan kusoo jiray kubadda cagta.”