Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Magaalada Dhuusamareeb waxay leedahay suuq weyn oo lagu iibiyo hilibka geela nuucyadiisa kala duwan halkaas oo ay ka shaqeeyaan haween badan oo nolosha qoysaskooda ka maareeya iibinta hilibka.
Goobtan suuqa ah waa dhisme hore oo shaqeynayey in ku dhow 20 sanno waxaana haweenkan qaarkood ka shaqeynayaan muddo dheer halka qaarkoodna ay dhawaan ayey kusoo biireen shaqadan.
Warbixintan waxaa diyaarisay Hamdi Dirie Ali