Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Dadka Soomaalida ayaa baraha Bulshada isticmaalkooda waqti badan ku bixiya iyada oo qaarkood ay dhaqaale ka samayeeyaan hal kuwa kalena ay maddadaalo ahaan usoo galaan waxaase jira shaqsiyaad kale oo aan intaasba u isticmaalin una soo gudbin dadka arragti aan bulshada anfac ulahayn, dadka siyaabaha kala duwan u isticaamala baraha bulshada waxay isugu jiraan ragg iyo dumar dhalinyaro u badana hadda Siciido ahmed warsame oo macalin dugsi quraan ka ah qaar ka mid ah madarasooyinka ku yaala magaalada dhuusamareeb ayaa haweenka ugu baaqday in ay ilaaliyaan sharaftooda, diinta iyo dhaqankooda,Sido kale waxay ku talisay in loo baahanyahay in dhalinyarada loo sameeyo wacyigelin iyo waxbarasho si loo badbaadiyo sumcadda iyo dhaqanka bulshada soomaaliyeed.Mudooyinkii dambe waxaa bulshada soomalida kusoo badanayey dadka isticmaalka qaldan u adeegsanaya aaladaha barashada.
Warbixintan waxaa soo jeedinaysa-Xamdi Diiriye Cali.