Haweenka Beeraleyda Soomaaliyeed oo Muqdisho Ku Doortay Guddoon Cusub

0
3

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay doorashada guddoonka haweenka beeraleyda Soomaaliyeed oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Doorashadan oo lagu muujinayay doorka firfircoon ee haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin horumarinta dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka beeraha, ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda, bahda beeraha, iyo ururrada haweenka.

Intii ay doorashadu socotay, waxaa si rasmi ah loo doortay guddoomiye iyo ku-xigeenno matalaya haweenka beeraleyda Soomaaliyeed, kuwaas oo noqon doona codka iyo hormuudka haweenka beeraleyda ee dalka.

Warkan waxaa soo jeedinaysa: Abdifitah Mohamed Ahmed 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here