Guddoomiyaha Ururka Haweenka ee Magaalada Moqokori, Gobolka Hiiraan, Fahmo Maxamad Cawaale, ayaa u warantay Radio Beerlula iyadoo codsatay in haweenka magaaladaas loo hirgaliyo xarumo caafimaad oo lagu daryeelo hooyada iyo dhallaanka.
Dadkii ugu daran ee u baahan xarumaha caafimaadka, sida ay sheegtay, waxaa ka mid ah hooyooyinka ku jirta xilliga dhalmada, kuwaasoo hadda loo soo qaado magaalada Baladweyne.