Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Hey’adda Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa xarunta dowladda hoose ee Dhuusamareeb ku qabatay munaasabad ay si rasmi ah ugu daahfurtay bilaabista barnaamijkeeda gargaarka degdegga ah iyo ka jawaabista xaaladaha u baahan gurmad.
Barnaamijkan oo ay ka mid yihiin shaqaale caafimaad oo heegan ah iyo adeegga ambalaasta oo la heli karo 24 saacba, ayaa lagu wargeliyay bulshada in ay wacaan lambarka gurmadka degdegga ah ee 446 marka ay u baahdaan caawimaad.
Abdulahi Abdulkadir Nor ayaa faah faahinaya.