Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Hay’adda Gargaara iyo Bankiga Idman Community Bank ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis muhiim ah oo lagu maalgelinayo ganacsiyada yar yar ee ay leeyihiin haweenka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed. Heshiiskan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo fursadaha dhaqaale iyo kobcinta ganacsiyada yaryar, si gaar ah kuwa ay hormuudka ka yihiin kooxaha nugul ee bulshada.
Maalgelintan ayaa la filayaa in ay ka taageerto haweenka iyo dhallinyarada helidda deyn fudud iyo taageero farsamo, si ay u horumariyaan ganacsiyadooda loona yareeyo shaqo la’aanta
Warkaan waxaa soo jeedineya: Abdifitah Mohamed