Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Waxaa magaalada Laascaanood lagu qabtay kulan diiradda lagu saarayay ka hortagga isticmaalka bacaha iyo ilaalinta deegaanka, kaas oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka kala socday dowladda federaalka iyo maamulka Waqooyi Bari.
Kulanka ayaa waxaa furay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo xusay in bacaha ay si weyn u saameeyaan deegaanka iyo caafimaadka bulshada, islamarkaana loo baahan yahay wacyigelin iyo tallaabooyin sharci ah oo lagu xakameeyo isticmaalka bacaha aan dib loo warshadeyn karin.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi


