Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Hay’adda Ifrah Foundation oo kaashanaysa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Dadweynaha iyo Dhalinyarada (UNFPA) ayaa wacyigelin ballaaran ka qabatay qaar ka mid ah goobaha waxbarasho ee magaalaga Dhuusamareeb, caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.
Ujeeddada barnaamijkan ayaa ahayd in kor loo qaado wacyiga bulshada, gaar ahaan ardayda, macallimiinta iyo waalidiinta, si loo joojiyo gudniinka fircooniga ah (FGM) — caado halis ku ah caafimaadka iyo nolosha gabdhaha yaryar ee Soomaaliyeed.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi


