Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka oo Doonyo gargaar wada u dirtay degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellada Hoose

0
50

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellada Hoose u dirtay Doonyo sida shixnado mucaawino gargaar ah, kuwaas oo ka ambabaxay Degaan xebeedka Zasiira.
Doonyahaan ayaa ku xiran doono Xeebta Magaalada Marka ee caasimada Gobolkaas, waxaana intaas kadib looga daabuli donaa gaadiid si deegaankas loo gaarsiiyo, waxaana saaran gargaar ka kooban qaybaha kala duwan ee raashinka.
Mucaawinadan ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo 1,500 oo qoys, waxana Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka gargaarkaan ku wareejisay Guddoomiyaha deegaanka Janaale Md. Cabdiraxmaan Al-cadaala.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here