Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa Booqday Baqaarada ay ku jiraan deeq mucaawino ah oo aay hay’adda ugu talagashay shacabkii Saameenta ka soo gaartay Fatahaada ku dhufatay magaalada Baladweyn.
Deeqdan Raashinkan oo ka kooban qeybaha kala duwan ee raashiinka islamarkaana ku keedsan baqaaro kuyaalla duleedka magaalada Baladweyne ayaa maalmaha ina soo aadan waxa loo qeybin doona dadka danyarta ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaada
Warkan waxaa soo jeedinaya:-Liban Mohamed Abdi.