Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka ee NIRA ayaa maanta si rasmi ah uga daahfurtay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug bixinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka, taasoo qeyb ka ah dadaallada dowladeed ee lagu dhisayo nidaamka aqoonsiga muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Munaasabadda furitaanka oo ka dhacday xarunta maamulka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka socday maamulka degmada, qeybaha bulshada rayidka, saraakiil ka tirsan hay’adda NIRA.
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdullahi Abdulkadir Nor