Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Galmudug ayaa ku wareejisay warqaddaha lahaanshaha dhulka 100 qoys oo dib u dajin loogu sameeyay magaalada Galkacyo.
Xaflada wareejinta waxaa goob joog ka ahay Wasiir dowladaha Arimaha gudaha Galmudug, Maamulka degmada Galkacyo iyo madax ka socotay Hay’ada UNHCR.
Gudoomiye ku xigeenka Galkacyo Mohamed Abdi Elmi ayaa ugu horeyn ka hadlay waxaama u mahad celiyey cid kasta oo kaalin ka qadatay.
Madaxa hay’ada qaxootiga iyo barkacyaasha Galmudug oo madasha ka hadlay ayaa sharaxay sida dhulkan ay ku bixiyeen.Wasiir dowlaha wasaarada arimaha gudaha Galmudug Omar Mohamed Diriye ayaa ugu danbeyn ka hadlay munasibada wareejinta Dhulka.
Warkan waxaa soo jedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor