Hay’adda Sodma oo Dahfurtay Mashruuca Sugnaanta Cunnatada wajiigiisa 4aad.

0
62

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa martigelisay munaasabad lagu daahfurayay Mashruuca Sugnaanta Cuntada, kaas oo ay taageero ballaaran ka helayso Dowladda Boqortooyada Sacuudiga.

Mashruucan ayaa lagu wadaa in uu wax ka qabto baahiyaha cunnada ee bulshooyinka nugul, gaar ahaan kuwa ay saameeyeen abaarta, barakaca iyo xaaladaha adag ee nololeed.

Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiillo ka socday Dowladda Sacuudiga, iyo hay’adaha samafalka ee maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

Waxaa soo jeedineysa: Sacdia Abdulkadir Yusuf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here