Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta deeq raashin ah gaarsiisay qoysas danyar ah oo ku nool nawaaxiga gobolka Banaadir, gaar ahaan meelaha ay ku nool yihiin bulshooyinka nugul ee ay saameeyeen duruufaha adag ee abaarta iyo saboolnimada.
Agaasimaha waxada gargaarka ee SoDMA, , zahra oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa sheegay in deeqdan ay qeyb ka tahay dadaallada ay hay’addu ugu jirto gargaarka bani’aadannimo iyo xoojinta taageerada loo fidinayo dadka ay duruufuhu saameeyeen.
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdifitah Mohamed Ahmed