Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-SoDMA ayaa gargaar isugu jira raashin iyo agab nololeed u qeybisay qoysas danyar ah oo ku nool degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadda qeybinta gargaarkan ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan SoDMA iyo maamulka degmada Wadajir. Agaasimaha waaxda gargaarka ee SoDMA, Sahro Cali Yuusuf, oo halkaas ka hadashay ayaa sheegtay in gargaarkan uu qeyb ka yahay dadaallada ay hay’addu ugu jirto sidii loo gaarsiin lahaa gargaar degdeg ah dadka nugul.
Abdifitah Mohamed Ahmed ayaa faah faahinaya.