Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa Dekedda weyn ee Magalaada Muqdisho waxa ay ka dirtay dooni sida shixnad mucaawino gargaar ah taas oo maalmaha soo socda lagu wado in ay gaarto Magaalada kismaayo.
Gargaarkaan ayaa gaaraya in kabadan 900 oo Tan oo raashin ah, waxaana shixnadaan gargaar oo hore dowladda ruushka dalkeena ugu deeqday lagu wadaa in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deeganadda Jubbaland si gaar ah Gobolada Gedo,Jubbada Hoose iyo shacabkii ka soo barakacay Gobolka Jubbada dhexe oo haatan iyaga oo wajahaya xaalad adag ku sugan duleedka kismaayo.
Warkan waxaa soo jeedineysa: Hamdi Diriye Ali