Hay’adda Sodma oo lacag dhan $700,000 ku wareejiyay Guddiga Gurmadka abaaraha Gobolka Awdal.

0
35

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA),Md Maxamuud Macalin, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta SoDMA, lacag dhan $700,000 ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka taasoo loogu talagalay dadka ay abaaruhu ku saameeyeen ee ku nool gobolka Awdal, Munaasabaddaas waxaa ku weheliyay wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kana soo jeeda deeganada ay abaartu sida ba’an u sameysay.

Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa cadeeyay in lacagtaas lagu wareejiyay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee gobolka Awdal si ay u gaarsiiyaan dadka u baahan gurmadka degdeg ah, asagoo hadalkiisa raaciyay in lacagtaasi aysan ku filneen reer awdal loona baahanyahay in dadaalka gurmadka lasii laba jibaaro.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdifitah Mohamed Ahmed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here