Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa Magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirka Ansixinta qorshaha istiraatiijiyadda shanta sano ee soo socta ee hay’adda SoDMA 2024 ilaa 2029.
Shirkaan waxaa ka soo qaybgalay oo aaladda fogaan arag ah uga qaybgalay Qaar kamid ah Wasiirada Gargaarka dowlad Goboleedyada sida Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Wakiilo ka socday Maamulka Jubbaland, hay’addaha deeq Bixiyaasha ah ee xiriirka dhaw la leh SoDMA, waxaana shirkaan si gaar ah looga tashanayey waxqabadka hay’adda shanta sano ee soo socta.
Shirkaan ayaa waxaa lagu ansixiyay waxqabadka istiraatiijiyadda hay’adda u qorshaysan, taas oo lixdii bilood u danbaysay ay waday latashayadeeda ay la qadanayso qaybaha kala duwan ee bulshada Rayidka, beesha caalamka, iyo wasiirada gargaarka dowlad goboledyada.
warkan waxaa soo jeedinaysa: Sacdia Abdulkaadir Yusuf