Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Iyadoo Roobka Gu’ga uu ka curtay guud ahaan dalka, cabsina laga qabo fatahaado iyo daadad ka dhasha ayaa hay’adda SoDMA oo ka duulaysa ka hortagga qasaaro badan oo ka dhasha xaaladaan ,sida xaaladii El-Niño oo kale waxaa ay Gaadiid sida shixnado gargaar ah u dirtay Magaaloyinkii Ceeldheer iyo Masagawaa ee Gobolka Galgaduud.
Gaadiidkaan ayaa gaaraya 9 Gaadiid ah oo ah nooca xamuulka qaada, waxana ay wadaan mucaawino ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Hamdi Dirie Ali
Audio Player