Hoos u dhac laga dareemayo qiimaha lagu kala iibsanayo xoolaha ee suuqayada magaalada Buuloburde

0
45

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Hoos u dhac ayaa laga dareemayaa qiimaha xoolaha ee suuqyada magaalada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan, taasoo ay sabab u tahay abaarta ka jirta dalka.
Dallaaleyda iyo xoolo-dhaqatada ayaa sheegay in abaarta daba dheeraatay ay keentay yaraanta daaqa iyo biyaha, taasoo sababtay in xoolaha la iibinayo ay yaraadaan, qiimahooduna uu hoos u dhaco.
Abaarta ayaa saameyn weyn ku yeelatay nolosha dadka ku tiirsan dhaqashada xoolaha, iyadoo ay adkaatay in la helo cunto iyo biyo ku filan xoolaha.

Warkaan waxaa soo jeedinaya:Abdullahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here