Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Arsenal ayaa isha ku haysa in wadada guusha ku soo laabtaan ka dib guul daradii sedexda iyo halka aheyd ee ay kala kulmeen Man City , waxa ayna baacsanayaan in ay hogaanka dib ugu soo laabtaan
Kulanka: Aston Villa Vs Arsenal
Tartanka: Premier League
Wakhtiga: 3:30
Garoonka: Villa Park
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
*Ka dib markii ay seddex kulan oo isku xigta oo Premier League ah ka badisay Arsenal bishii Luulyo 2020 ilaa Febraayo 2021, Aston Villa ayaa hadda laga badiyay mid kasta oo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay ka horyimaadeen Gunners.
*Tababaraha Aston Villa Unai Emery ayaa 51 kulan oo Premier League ah hogaamiyay Arsenal intii u dhaxaysay Agoosto 2018 ilaa Novambar 2019 (25 guul 13 guul daro ayuu diiwana gashtay”.
*Tani waxay noqon doontaa kulankii 10-aad ee Gunners ay wajahdo mid ka mid ah tabarayaasheedii hore
*Arsenal ayaa laga badiyay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee banaanka garoonkooda ku soo ciyaareen dhamaan tartamada.