Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta kooxda Everton kulan ka tirsan horyaalka premier League kana dhici doona garoonka Emirates.
Arsenal ayaa doonaysa in ay ka aarsato kooxda Evetron kuwaas oo dusha u saaray guuldaro kulankoodii hore ee ay wada ciyaareen.
Wiilasha Arteta ayaa doonaya in ay 5 dhibcood ku qabtaan horyaalka premier League kulankan oo baaqi u ah kooxda Arsenal.
Kulanka: Arsenal Vs Everton
Tartanka: Premier League
Wakhtiga: 10:45
Garoonka: Emirates
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Guushii Everton 1-0 ay ku gaartay Emirates Stadium 23-kii April 2021 waa guusheedii kaliya ee 26-kii kulan ee ugu dambeysay oo ay horyaalka ka gaadho Arsenal.
Guushii Gunners ee 5-1 ee kulankaan xilli ciyaareedkii hore ayaa aheyd markii shanaad oo ay shan gool ama wax ka badan ka dhaliyaan Everton Premier League, waa kooxda ugi badan ee Everton sidaas ku samaysay.
Arsenal ayaa badisay kaliya hal kulan afartii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay garoonkeeda (2 bar-baro iyo 1 guuldaro) kadib markii ay badisay mid kasta oo ka mid ah 10kii kulan ee hore.
Kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa shabaqeeda ilaashatay labo kulan 16-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku ciyaartay garoonka Emirates.