Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Chelsea iyo Man City oo ay labadaba ka go’antahay inay kasoo kabtaan dib u dhacyadii ku yimid kulamadii ugu dambeeyay ayaa caawa ku kulmaya gegida Stamford Bridge.
Sky Blues ayaa doonaya guul ay ugu dhawaadaan Arsenal oo farqi siddeed dhibcood ah hoggaanka kaga haysa halka Blues ay rabaan guul ay ugu dhawaaadaan kaalmaha tartamada Yurub loogu soo baxo.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Tababare Graham Potter ma qabo wax dhaawacyo cusub ah balse waxa wali kasii maqnaan doona Chelsea Reece James, Ben Chilwell, Edouard Mendy, Fofana, Kante, Loftus-Cheek iyo Broja.
Azpilicueta ayaa markale daafaca midig kusoo bilaaban kara halka Kovacic khadka dhexe kusoo noqon karo isagoo kala baxaya midkood Jorginho ama Zakaria.
Waxa jirta suurogalnimo uu No.9 kulankan ugu soo bilaaban karo weeraryahan Aubameyang isagoo kasoo hormaraya Kai Havertz.
Dhinaca Man City, Pep Guardiola oo uu horeba uga maqnaa Ruben Dias ayuu haddana ka dhaawacmay daafaca kale ee Aymeric Laporte.
Stones iyo Akajni ayaa daafaca dhexe ku midoobaya iyadoo la filayo in Kyle Walker iyo Joao Cancelo garbaha daafaca kusoo noqdaan.
Foden oo keyd ahaa kulamadii ugu dambeeyay oo dhan ayaa markan Grealish kasoo hormari kara halka Bernardo qudhiisu booska kala bixi karo Mahrez.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Chelsea (4-2-3-1): Kepa; Azpilicueta, Silva, Koulibaly, Cucurella; Kovacic, Jorginho; Sterling, Mount, Pulisic; Aubameyang
Man City (4-3-3): Ederson; Walker, Stones, Akanji, Cancelo; Gundogan, Rodri, De Bruyne; Silva, Haaland, Foden
Xogaha Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: Stamford Bridge
Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Paul Tierney