Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)- Kooxaha kala ah Man United iyo Man City ayaa caawa ciyaaraya final-ka koobka FA Cup-ka.
Man United ayaa dooneysa in ay ku guulaystaan koobka si ay u badbaadiyaan xilli ciyaareedkooda.
Dhinaca kale Man City ayaa doonaysa in ay markii 2-aad oo xidhiidh ah ku guulaysato tartanka FA Cup-ka.
Kulanka: Man United Vs Man City
Tartanka: Premier League
Wakhtiga: 5:00
Garoonka: Wembley
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Kulankana waa ku celiskii kulankii sanadkii hore ee FA Cup-ka markaas oo ay Man City ku garaacday Man United waana markii 2-aad ee taariikhda tartanka ay isaga hor yimaadeen isla laba kooxood final-ka kulanka.
Man City ayaa badisay labadii kulan ee ay la ciyaartay Man United premier league iyaga oo kaga badiyay 3 gool markii ugu horaysay ee ay City 3 gool kaga badisay man United waxa ay ahayd 1969/1970.
Man United ayaa laga badiyay 6 kulan oo ka mid ah 7-dii kulan ee uu dambeeyay ee ay la ciyaartay Man City.
Man United ayaa badisay 5 ka mid a 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee FA Cup-ka ay la ciyaartay Man City.