Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Chelsea ayaa kulan adag oo Champion-ka waxa ay la leeyihiin Dortmund kaasi oo wareegga 16-aad ah , waxa ayna galayaan iyadoo macalinkaas kooxdaas iah ku hayo in uu dhigo rikoor
Xogta Kulanka
*Kulankan ayaa noqon doona kulankii ugu horeeyay ee u dhexeeya kooxaha Borussia Dortmund iyo Chelsea ee tartamada Yurub.
*Chelsea ayaa badisay kaliya seddex ka mid ah 11-kii kulan ee ay martida u ahaayeen kooxaha Jarmalka (D3 L5), iyadoo labo ka mid ah guulahaas ay ahaayeen xilli ciyaareed xiriir ah oo ay ka gaareen Schalke 2013-14 iyo 2014-15.
*Graham Potter waa guuldarro la’aan isagoo hogaamiyay Chelsea Champions League (W4 D1), isagoo badiyay mid kasta afartii kulan ee lasoo dhaafay. Haddii Blues ay badiso kulankaan, Potter ayaa noqon doona tababarihii ugu horeeyay ee Ingiriis ah oo badiyay shan kulan oo xiriir ah tartanka.
*Hacertz waxa uu Dortmund ka hor tagay 7 kulan waligisna gool kama dhalin waana kooxda ugu badan ee uu kaga hor tagay