Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Ka Hor kulankaaan caawa ee Super Coppa Italia , waxa ay Milan kulankaan galayaan iyaga oo booska labaad kaga jira horyaalka halka Inter Milan ay ku jiraan booska 4-aad
Xogta Kulanka
* Inter Milan iyaga ayaa in yar ku gacan sareeya dhanka guulaha Derby Della Madonnina , waxa ay badiyeen 85 jeer ka dib 233 kulan oo a labada koox ciyaareen halka Ac Milan ay guuleysteen 79 kulan
*Labadii kulan ee ugu dambeeyay labada koox ee horyaalka waxaa ka dhasahy 8 gool , Inter waxa ay shabaqa booqdeen 5 jeer halka Ac Milan dhaliyeen sedex gool
*AC Milan lagama badin 5tii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka balse guul darro ayay kala kulmeen Torino kuwaasi oo hal gool ku garaacay todobaadkii hore waxa uuna ahaa kulan Coppa Italia ah .
*Martinez waa gool dhaliyaha Inter ee horyaalka ee xilli ciyaareedkaan waxa uu leeyahay 9 gool halka Leo isna yahay hogaamiyaha Milan isaga oo leh 8 gool oo hoyaalka ah
*Inter Milan ayaan laga badinin lixdii kulan ee ugu dambeysay oo rasmi ah tartamada oo dhan, iyadoo guuldaradii hore ay ka soo gaartay Juventus bishii November ee sanadkii hore.