Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kulanka ugu xiisaha Badan premier League ayaa todobaadkan ka dhici doona Etihad kaas oo u dhexeeya kooxaha Man City iyo Liverpool kana tirsan horyaalka.
Kooxda Man City ayaa kulanka soo galaya iyaga oo isha ku haya in ay sii wadaan baacsiga ay ugu jiraan Arsenal iyo difaacashada horyaalka premier League.
Dhinaca kale Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaaya in ay guulo ka gaadhaan kulanka si ay u sii wadaan baacsiga u soo bixista champions League xilli ciyaareedka dambe.
Kulanka: Man City Vs Liverpool
Tartanka: Premier League
Wakhtiga: 2:30
Garoonka: Etihad Stadium.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Liverpool ayaa Doonaysa in ay dhamaystirto laba guul oo xidhiidh ah premier League oo ay ka gaadho Man City premier League xilli ciyaareed kaliya markii ugu horaysay tan ilaa 2005/2006.
Reds ayaa 19 dhibcood ka hoosaysa kooxda ka soo horjeeda ee miiska kala saraynta – waana dhibcaha ugu badan ee ay isla markiiba ka dambeeyaan City ka hor intaysan wajahin kulan ka tirsan Premier League.
City ayaa dooneysa inay badiso afar kulan oo isku xigta oo horyaalka ah markii ugu horeysay xilli ciyaareedkan.
Reds ayaa halis ugu jirta in laga badiyo saddex kulan oo xiriir ah tartamada oo dhan iyaga oo aan wax gool ah dhalin markii ugu horaysay tan iyo 2009kii.