Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Arsenal oo ujeedadeedu tahay inay wadada guulaha kusoo laabato ayaa maanta marti u noqonaysa Nottingham Forest oo ay kula ballansan tahay garoonka City Ground.
Forest ayaa kulamadii ugu dambeeyay natiijooyin wanaagsan oo ay kaalmaha lagu dhaadhaco iskaga ilaalisay soo helaysay, natiijo kale oo ay maanta ka helaan Gunners ayaa hanashada horyaalka u xaqiijin doonta Man City kahor inta aysan berri Chelsea la ciyaarin.
Wararka Labada Kooxood
Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in Oleksandr Zinchenko iyo William Saliba dhaawac ku maqnaan doonaan inta xilli ciyaareedka ka dhiman si lamid ah Gabriel Martinelli oo dhaawac ku haleelay kulankii u dambeeyay ee Brighton.
Trossard ayaa booskii Martinelli kusoo bilaaban doona isagoo weerarka ku wehelinaya Bukayo Saka iyo Gabriel Jesus.
Jorginho ayaa markale khadka dhexe kaga soo hormari kara Partey isagoo kula soo bilaabanaya shaxda asaasiga ah Granit Xhaka iyo Odegaard.
Kiwior ayaa isaguna daafaca dhexe markale kula midoobi kara Gabriel Magalhaes halka Tierney iyo White garbaha daafaca dheelayaan.
Shaxaha Macquulka Ah
Nottingham (3-4-2-1): Navas; Worrall, Filipe, Niakhate; Aurier, Mangala, Yates, Lodi; Gibbs-White, Danilo; Awoniyi
Arsenal (4-3-3): Ramsdale; Ben White, Kiwior, Gabriel, Tierney; Odegaard, Jorginho, Xhaka; Saka, Jesus, Trossard
Xogta Kulanka
Tartanka; Premier League
Garoonka: City Ground
Wakhtiga: 7:30 habeenimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Anthony Taylor