Hormuud Salaam Foundation oo caruur ka xanuunsan wadnaha u dirtay dalka Talyaaniga

0
114

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-hayada Hormuud salaam Fondation ayaa dalka Talyaaniga ugu dirnay qaybtii labaad ee carruurta qabta xanuunnada wadnaha, oo daweyn iyo qalliimo caafimaad loogu soo sameynayo isbitaal ku yaala Dalka Talyaaniga.

Carruurtaan ayaa qeyb ka ah 119 ubad Soomaaliyeed ah oo qaba xanuunnada wadnaha, una baahan in qalliin lagu soo sameeyo.

Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Guddoomiyaha Shirkadda Hormuud, Guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, iyo Agaasimaha Isbitaalka Welcare ayaa sagootiyay carruurtaan iyo waalidiintooda.

Warkan waxaa soo jeedinaya:Abdifitah Mohamed Ahmed

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here