Horyaalka La liga Oo Lacag Malaayiin Ah Khasaaray; Maxay tahay sababtu?

0
34

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Horyaalka La Liga ee dalka Spain ayaa wajahaya hoos u dhac weyn oo dhanka qiimaha suuqa ah, kaddib markii lagu qiyaasay in uu waayay €160 milyan tan iyo dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore, sida laga soo xigtay warbixin ay diyaarisay Transfermarkt oo uu baahiyay wargeyska AS.

Hoos u dhacaasi waxaa ugu wacan, sida la sheegay, bixitaanka ciyaartoy muhiim u ahaa kooxo badan oo ka ciyaara horyaalka, kuwaasoo la iibiyay si loola jaanqaado xeerarka dhaqaale ee adag ee ay dowladda Spain ku waddo kooxaha kubadda cagta.

Kooxo waaweyn sida Sevilla, Real Betis, iyo Valencia ayaa si wayn u iibiyay ciyaartooy qiimo leh si ay u xaliyaan caqabadooda dhaqaale ka hor inta uusan xilli ciyaareedka cusub bilaaban.

Dhinaca kale, kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa badbaadsaday xiddigahooda waaweyn. Hase yeeshee, Barcelona weli waxay la tacaalaysaa isdiiwaangelinta ciyaartoy cusub, halka Real Madrid ay ku qarashgareysay ku dhowaad €180 milyan soo iibashada ciyaartoyda cusub.

Kooxo badan oo u dhaxeeya heerarka dhexe iyo kuwa hoosena waxa ay si gaar ah u dareemeen culeyska hoos u dhaca suuqa, maadaama lagu khasbay inay iibiyaan xiddigo da’yar oo mustaqbal leh si ay u sii noolaadaan, isla markaana aysan awoodi waayeen inay la soo saxiixdaan ciyaartoy tayo sare leh oo ay u baahnaayeen.

Tani waxay keeni kartaa in La Liga ay lumiyaan tartankii caalamiga ahaa ee ay la lahaayeen horyaalada kale sida Premier League-ga Ingiriiska iyo Saudi Pro League, kuwaasoo xagaagan si xawli ah u sii wada maalgelinta ciyaartoy waaweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here