Horyaalka Sucuudiga Oo Fariin U Diray Mohamed Salah.

0
118

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Agaasimaha kubada cagta ee Saudi Pro League Michael Emenalo ayaa sheegay in xiddiga garabka uga ciyaara Liverpool Mohamed Salah uu yahay shaqsiga uu aad u jecelyahay.

Salah ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u wareegayo Bariga Dhexe maalmihii xiritaanka suuqa kala iibsiga xagaaga, wararka ayaa tilmaamaya in Liverpool ay dalabyo ka badan 150 milyan euro ka diiday kooxda Al-Ittihad.

Waqtigaas, kooxda Merseyside-ka ayaa qaaday hab adag si ay u sii xajistaan adeegga ninkooda muhiimka ah, mowqifkooda ayaa ahaa inay aad u daahday xagaaga si ay uga fikiraan inay ganacsi sameeyaan.

Si kasta ha ahaatee suurtagalnimada uu salah ugu biiri karo horyaalka sucuudiga ayaa ah mid jirta iyada oo la filayo in ay kooxda sucuudigu in ay dalab kula soo laabato Suuqaa January ama xagaaga.

“Mo waa la soo dhawaynayaa wakhti kasta, laakiin qofna laguma cadaadiyo ama lagu khasbo inuu yimaado”

“Haddii qof uu doonayo inuu halkaan yimaado oo ay jirto fursad uu kula shaqeeyo kooxda kala wareejinta si xushmad iyo xirfad leh, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan helno iyaga, laakiin Mo waa shaqsi aan jeclahay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here