Howlagallo biyaha lagaga saarayo waddooyinka oo ka billowday degmada Gaalkacyo

0
47

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo ay weheliyaan Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Eng: Maxamed Cabdi Cilmi , Agaasimayaal , qaar ka mid ah Gudoomiyaasha Xaafadaha Magaalada iyo Xubno kale ayaa bilaabay Hawlgal biyo saaris ah oo ay Dowladda hoose ka bilowday qaar ka mid ah xaafadaha iyo kaaamamka Magaalada Gaalkacyo ee ay biyuhu ku xirmeen ka dib roobab xooggan oo Saacadihii ugu dambeeyay ka da’ay Magaalada iyo hareeraheeda.

Maayarka iyo masuuliyiinta kale ee la socday ayaa booqday Xaafadaha iyo kaamamka ay degan yihiin dadka danyartaa ee ay daadadku saameeyeen , iyadoo meelaha qaar ee ay biyuhu ku xirmeen ay gaadiidka Dowladda hoose hawlgal waddo furis iyo biyo saaris isugu jira ka fuliyeen si loo baneeyo meelaha ay biyuhu ka baxayaan ama marinada biyaha ee qaarkood la xirtay.
Warkan waxaaa faah faahinaya: Abdidahir Garad Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here