Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Howlgalkan oo ay iska kaashadeen Ciidamada Booliska Degmada Cadaado iyo Taliska Nabad Sugida Qeybta Galmudug Gaar Ahaan Cadaado iyo Gaalkacyo ayaa laga Sameeyey xaafadaha kala duwan ee Magaalada Cadaado.
Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka lagu sugayo Amniga Magaalada Cadaado maadaam ay dhawaan marti gelin doonto Doorashada Golaha Deegaanka Degmada Cadaado kaasoo ay qabaneyso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Galmudug.
Taliye ku xigeenka Booliska Degmada Cadaado oo ay wehliyaan Taliyeyaasha Nabad sugida Gaalkacyo, iyo Cadaado ayaan hoggaaminayay howlgalka, iyaga oo dadweynaha la wadaagay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga Magaalada Cadaado.
Saraakiishu ma sheegin waxyaabo ay kusoo qabteen howlgalka balse ay sheegeen inay sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay ka dhaceyso doorashada Golaha degaanka Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Warbixintan waxaa soo jeedineya-ABDIFATAH MOHAMED AHMED